Koox Premier League Ah Oo Hogaaminaysa Baacsiga Loogu Jiro Cristiano Ronaldo’

Kooxda chelsea ayaa hogaaminaysa tartanka loogu jiro saxiixa xiddiga kooxda Man United ee Cristiano Ronaldo sida ay sheegayaan wararku.

Xiddiga 5-ta jeer ku guulaystay abaalmarinta Ballon d’Or ayaa la rumaysanyahay in uu u sheegay Man United in uu doonayo in uu isaga tago kooxda suuqa xagaagan.

Ronaldo ayaa la sheegayaa in uu doonayo in uu ku guulaysto champins League ka hor inta uuna ka fadhiisan ciyaaraha kubada cagta.

Kooxda Man United ayaa xiddiga u sheegtay in uuna meelna uga socon kooxda inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaaga isla markaas aan la iibin doonin.

Sida laga soo xigtay The Sun, Kooxda chelsea ayaa hogaaminaysa tartanka loogu jiro saxiixa xiddiga reer Portugal si ay u helaan saxiixiisa.

Milkiilaha cusub ee kooxda chelsea Todd Boehly oo la kulmay wakiilka xiddiga ayaa doonaya in uu Ronaldo ka dhigo saxiixiisa ugu horeeya ee wakhtigiisa chelsea.