Klopp Oo Amaan Ugu Qubeeyay Gabriel Jesus.

Kooxda Arsenal ayaa la ciyaari doonta Liverpool Axada kulan ka tirsan todobaadkii 10-aad ee horyaalka premier League.

Tababaraha kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa amaanay qaab ciyaareedka Gabriel Jesus ee kooxda Arsenal ilaa haatan xilli ciyaareedka.

“Ma aqaano Gabriel shaqsi ahaan, laakiin mar walba waan jeclaa isaga ciyaaryahan ahaan,” Klopp ayaa yidhi.

Klopp ayaa hadalkiisa raaciyay: “Waan ogahay in City aysan ka iibin doonin kooxaha oo dhan, laakiin Arsenal ayaa ku guulaystay saxiixiisa”.

Wuxuu sharaxay: “Doorkii Gabriel Jesus ee City wuxuu ahaa lambarka 9-aad, sanadkii hore qof walba wuxuu sheegay in City aysan heysan lambarka 9-aad, welina waa uu joogay laakiin si cad ayuu uga ciyaaray garabka, haatana waxa uu ka ciyaarayaa doorkiisa No.9-aad”.