
Iska hor imaad khasaare dhaliyay ayaa saaka oo Khamiis ah laga soo weriyay magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.
Iska hor-imaadka oo salka ku haya muran dhuleed ayaa ka dhacay magaalada Gaalkacyo dhinaca Puntland sida laga soo xigtay goob-joogayaal.
Inta la xaqiijiyay laba ruux oo ka tirsan dhinacyadii dagaallamay ayaa ku dhintay iska hor-imaadkaas waxaana sidoo kale jira dhaawacyo kala duwan.
Xaaladda ayaa sida la sheegayo haatan deggan waxaana socda waan-waan lagu qaboojinayo xiisadda labada dhinac.
PUNTLAND POST