In ka badan 230 qof oo ku dhintay shil tareen oo ka dhacay dalka Hindiya

Ugu yaraan 233 qof ayaa ku dhintay 900 oo kalena way ku dhaawacmeen kadib markii laba tareen oo rakaab ah ay isku dhaceen gobolka Odisha ee dalka Hindiya.

Tirada dadka ku dhintay shilkii Jimcihii ayaa la filayaa inay sii korodho, sida uu Twitterka ku sheegay xoghayaha guud ee gobolka Pradeep Jena.

Wuxuu intaas ku daray in goobta shilku ka dhacay lasoo gaarsiiyey in ka badan 200 oo ambalaas ah oo ka tirsan degmada Balasoore ee Odisha.

Boqollaal dhallinyaro ah ayaa sidoo kale safaf dhaadheer u galay bannaanka isbitaalka dowladda ee Odisha Soro si ay ugu deeqaan dhiig.

PUNTLAND POST