Ilhaan Cumar oo laga saaray Guddiga Arrimaha Dibedda Golaha Wakiilada Maraykanka

Xubnaha Jamhuuriga ee Aqalka Wakiilada Mareykanka ayaa u codeeyey inay Ilhaan Cumar oo Dimoqraadi ah ka saaraan Guddiga Arrimaha Dibedda, iyaga oo ku eedeeyey hadallo ka dhan ah Israel.

Tallaabadan ayaa sii xumeyneysa xiisadda labada xisbi kadib markii Dimoqraadiga ay kalfadhiggii hore guddiyo ka saareen xubno Jamhuuri ah oo ka tirsan garabka-midig ee fog, kuwaas oo lagu eedeeyey hadallo rabshad hurin ah.

Afhayeenka Aqalka Hoose Kevin McCarthy ayaa ku guuleystay inuu mideeyo Jamhuuriga si guddiga laga saaro Ilhaan oo asal ahaan Soomaali ah kadib markii xubnaha qaarkood ay ka muujiyeen shaki.

Codeynta oo aheyd 218-211 oo labada dhinac ay kala mareen safafkooda ayaa timid kadib dood dheer oo Dimoqraadiga ay ku eedeeyeen Jamhuuriga inay Ilhaan ku beegsanayaan isirkeeda darteed.

In xildhibaano laga saaro guddiyada Aqalka ayaa aheyd wax aan horey u dhicin illaa Dimoqraadiga ay laba sano kahor u codeeyeen inay ka saaraan Marjorie Taylor Green oo laga soo doorto Georgia iyo Paul Gosar oo ka yimid Arizona, kuwaas oo ka mid ah xubnaha Jamhuuriga ee midigta-fog.

PUNTLAND POST