Guudlaawe oo booqday goobihii ay ka dhaceen qaraxyadii Beledweyne

Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta booqday goobihii ay ka dhaceen qaraxyadii magaalada Beledweyne.

Booqashada Madaxweyne Guudlaawe oo ay qeyb ka ahaayeen Madaxweyne Ku Xigeenka Yuusuf Axmed Hagar, Xildhibaan Cabdullahi Maxamed Cali Sanbaloolshe iyo Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa ugu kuurgalay qasaaraha baahsan ee u geystay qaraxyada Al-shabaab ka geysteen 3-dii bishaan magaalada Beledweyne.

Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa tagay xarunta Madaxtooyada magaalada Beledweyne oo burbur xoogan uu ka soo gaaray weeraradaas, isagoo shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay usoo gurmadaan dadka hantidoodu ay ku burburtay qaraxyadaas.

Saddexdii qarax ee maalmo ka hor ka dhacay Beledweyne ayaa waxaa ku dhintay dad ka badan 20 ruux oo ay ku jireen mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Hirshabeelle, sidoo kale waxay geysteen dhaawacyo badan iyo burbur hantiyeed oo baaxad weyn.

PUNTLAND POST