Guddiga Dhaqaalaha Baarlamanka Puntland oo la kulmay Wasiirka Maaliyada

Guddiga maaliyadda, dhaqaalaha & xisaabaadka Golaha Wakiilladda DPL ayaa kulan la qaatay Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda.

Guddiga oo akhriskii 2-aad ku sameynayey miisaaniyadda 2023 ee Golaha hortaala ayaa su’aalo ka waydiiyey Wasiirka, Xisaabiyaha guud iyo saraakiisha kale ee Wasaaradda si ay u helaan xog-dheeri ah oo la xiriirta miisaaniyadda Dawladda ee 2023.

Miisaaniyadda sannadkaan 2023 ayaa dhan $376,699,825, ( Saddex boqol todobaatan lix malyan, lix boqol sagaashan iyo sagaal kun, sideed boqol labaatan iyo shan dollar). 

Kororka Miisaaniyadda ayaa ah 6% marka la bar-bar dhigo sannadkii hore, waxayna ka kooban tahay dhakhli lagu maamulayo khasnadda Dawladda iyo dhakhli ka baxsan khasnadda Dawladda.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda iyo mas’uuliyiinta kale ayaa ka jawaabay dhammaan su’aalihii Guddigu waydiiyeen.

PUNTLAND POST