Guardiola Oo Haaland U Sheegay In Uu Bartilmaameedsado Lisandro Martinez Laakiin Ma Ahan Arinta Aad U Malaynaysid.

Pep Guardiola ayaa lagu soo waramayaa inuu bartilmaameed ka dhigtay daafaca dhexe ee Lisandro Martinez kulankii Manchester Derby laakiin ma ahan sabab ay taageerayaashu filayeen.

Xiddiga Lisandro Martinez ayaa ah daafac aad u gaaban kana gaaban daafacyada kale ee horyaalka premier League waxana xitaa su’aal laga keenay arintaas in uu la qabsan karo premier League.

Laakiin Pep Guardiola ayaa xiddiga Haaland u sheegay in uu bartilmaameedsado daafaca Lisandro Martinez si uu u mashquuliyo daafaca taas oo xiddiga Phil Foden u furtay fursado badan.

Xiddigaha Haaland iyo Foden ayaaa dhaliyay min 3 gool kulankii Manchester Derby qorshihii Guardiola ee ahaa in ay martilmaameedsadaan daafaca Lisandro Martinez-na wuu shaqeeyay.

In Uu Haaland gaabnimada Lisandro Martinez ka faa’iidaysto ayaa ahayd wal-walka Man United ka hor kulanka.

Laakiin ESPN ayaa sheegtay in uu Guardiola u adeegsaday Haaland in uu mashquuliyo Lisandro Martinez si uu Foden uga faa’iidaysto waliba goolal u dhaliyo.