Golaha Guurtidda Faransiiska oo ka hadlay heshiiska Iskaashiga Somaliland iyo Maraykanka


Paris (Dawan)- Safiirka JSL ee dalka Faransiiska Md. Cabdiraxmaan Yaasin Maxamed oo kulan la yeeshay guddiga Arrimaha Dibedda iyo Gaashaandhiga ee golaha guurtida Faransiiska ayaa sharaxaad ka bixiyey muhiimada xeerka iskaashiga Maraykanka iyo Somaliland ee Baarlamaanku ansixiyey.

Gudoomiye-xigeenka Guddiga Arrimaha Dibedda iyo Gaashaandhiga ee Aqalka Guurtida Faransiiska Md. Olivier Cadic ayaa sheegay inuu kulan kala yeeshay Safiirka Somaliland xeerkii Baarlamaanka Maraykanku ansixiyey.

Qoraal kooban oo Gud-xigeenka Cadic bartiisa FB-ga shalay ku baahiyey oo u kaga hadlay kulanka dhexmaray Safiirka Somaliland Md. Cabdiraxmaan iyo ujeedadiisa ayaa u dhignaa sidan;

“Waraysi aan xafiiskayga kula yeeshay Cabdiraxman Yassin Maxamed, Safiirka Somaliland u fadhiya dalka Faransiiska ayaa ka wada hadalnay ansixinta xeerkii Congress-ka Maraykanka oo muujinaya muhimadda ay leedahay in la taageero dimuqraadiyadda Geeska Afrika.

Sidoo kale Gudoomiye-xigeen Cadic ayaa ku sheegay bartiisa twitter inuu xidhiidhka laba geesoodka ka wada hadleen wadammo Somaliland ku jirto.

Safiir Cabdiraxmaan oo bedelay Safiirkii hore JSL u fadhiyey dalka Faransiiska Md. Cali Xassan ayaa la saadaalinayaa inuu sii horumariyo xidhiidhka iskaashi ee u dhexeeya Somaliland iyo Faransiiska.

 






Previous articleMaatida haloo Tudho” Siyaasi Nadiifo Maxamed Culujoog