Go’aan kasoo baxay kulan looga hadlayay Amniga Deegaanadii laga saaray Al Shabaab (Sawirro)

Madaxweynaha  Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta kulan looga hadlayay arrimaha amniga kula qaatay degmada Aadan yabaal ee Gobolka Shabeellaha Dhexe , Shabeellaha Dhexe, Saraakiisha Ciidanka Xoogga, Saraakiisha Booliiska Hirshabeelle iyo Masuuliyiin kale.

Kulankaan oo looga hadlayay xaqiijinta amniga deegaanadii dhowaan laga xureeyay alshabaab iyo sida looga ciribtiri lahaa deegaanada dhiman ayaa waxaa kasoo qeybgalay Gudoomiyayaasha Gobollada Shabeellaha Dhexe, Hiiraan, Taliyaha Ciidanka XDS, Taliyaha Ciidamada Lugta, Taliyaha iyo Taliye Xigeenka Ciidanka Booliiska Hirshabeelle, iyo Taliyaha qeybta 27aad ee Ciidanka Xogga.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in duruufo adag uu kusoo arkay deegaanadii uu soo maray ee laga xureeyay Al Shabaab, waxa uuna kula dardaarmay saraakiisha ciidamada inay ka shaqeeyaan nabadgalyada deegaanada la xureeyay.

Kulan ka ayaa sidoo kale lagu go’aamiyay in la wajaho deegaanada oo duullaan lagu qaado deegaanada ay ku sugan yihiin dagaalyahanadii Al Shabaab ee laga saaray degmada Aadan Yabaal iyo deegaano kale oo katirsan gobolka Shabeelaha Dhaxe.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
[email protected]

– Advertisement –