Garaad Cabdiqani heshiiska Somaliland ayuu ka taliyey, Inna Garaad Cali-na Colaadeeda

Laascaanood (Dawan)- Wasiirka Arrimaha Gudaha Md. Maxamed Kaahin Axmed oo hadal ka jeediyey munaasibadii aasaaska ciidanka qaranka ayaa sheegay in horumarka furahiisu tahay nabadgelyo.

Mar uu ka hadlayey burburkii dalkii soomaaliya la odhan jiray ku dhacay, sida Somaliland uga soo kabatay, iyo sababtii qoladii Soomaaliya ugu fashilmeen ayuu sheegay in Somaliland isugeysay aqoonteedii, waayeelkii iyo waxgaradkii dhaqankii Somaliland, taasina keentay inaynu ka soo kabano burburkii.

“Waxgaradkii, garaadadii beesha Sool waxay ahaayeen dadkii martida looga ahaa isu keenista bulshada Somaliland, dhamaan shirarki dhacayna hormuud ayey ka ahaayeen.

Wasiir Kaahin oo ka sheekaynayey taariikhda hormoodka Beesha Sool sida Garaad Cabdiqani, Fagadhe, Baashe Cali jaamac ayaa sheegay in beesha dhulbahante ka mid ahayd dadka tashaday, reer Somaliland-na la tashaday, una taliyey

“shirkii burco keliya kamay qeybgelin, balse dadkii ka talinayey ayey ahaayeen, taladoodana martida looga ahaa.”

Wasiir kaahin ayaa sheegay in dadka maanta la doonayo in la qixiyo yihiin dadka nugul, ninka ubadkiisu qurbaha jooga, waxuu qixinayaan ubadka iyo dumarka laascaanod jooga

“Maalintii Somaliland heshiinaysay Garaad Cabdiqani ayaa talinayey, maantana inankii Garaad Cali dhalay, ayaa colaad nabadgelyo daro abaabulaya.”

Wasiirka Gaashaandhiga Md. Cabdiqani Maxamuud Caateeye (Fariid) oo hadal ka jeediyey munaasibadii xuska 29aad ee aasaaska Ciidanka Qaranka ayaa sheegay inaanu Ciidanka Somaliland qabiil ahayn, balse yahay Ciidan Qaran oo dhamaan Somaliland ka kooban.

Dadkii xaqdarada lagu dilay waxaa muhiim ah inaynu wadajir u doonano waxii dilay

Md. Cabdiqani ayaa sheegay sababahii argagaxisadu rabashada uga abaabuleen Laascaanood ayahd carqaladeynta diiwaangelinta iyo in bulshada reer sool ka hadhaan diiwaangelinta.

Waxa la saadaalinayey in laba boqol is-diiwaangeliyaan, laakiin dad kooban ayaa is-diiwaangeliyey ayuu sheegay Wasiirka Gaashaandhiga.

Mar uu fariin u diray bulshada reer sool ayuu sheegay in rabashadahii la soo abaabulay keeneen in noloshii magaaladu istaagto, oo ubadkii tegi kari waayaan iskuulada

“dhalinyaradu waa inay ubadka waxbarashadooda u ogolaadaan oo fidmada ka dhex baxaan. Horumarkii gobolka ee istaagay bulshada Sool ayey dhibaato ka soo gaadhaysaa.” Ayuu sheegay Md. Cabdiqani

Wasiirka Warfaafinta Md. Saleebaan Cali Koore oo hadal ka jeediyey munaasibada ciidanka qaranka ayaa sheegay in deegaanka aynu joogno dadkiisu ka soo isirmeen Hargeysa.

Md. Koore oo ka hadlayey taariikhda ummada wada leh JSL ayaa sheegay inay wada deganaayeen muddo ka badan 750 sannadood, oo wada lahaayeen ehelnimo, wada noolaansho, biyo-cab, oo taariikho wanaag ah iyo mid is-diidmo ka dhexeysay.

“Deegaankan aynu joogno dadkiisu waxay ka isiran yihiin Hargeysa, oo dhalay.” Ayuu sheegay Md. Koore

Mar uu ka hadlayey taariikhdii halgamada ayuu sheegay in taariikhda Daraawiish tahay ta ugu mudan ee ummada Somaliland leedahay, sida lagu qeexay dastuurka Somaliland.

Wasiir Saleebaan oo ka hadlayey taariikhda Somaliland ee la soo noqoshadeeda madaxbanaanida ayaa sheegay in ergooyin badan oo beesha Sool ah goobjoog ahaayeen shirkii Burco, oo ugu mudnaayeen Garaad Cabdiqani garaad Jaamac, Garaad Saleebaan Garaad Maxamed,

“Waxa saxeexay madaxbanaanida Somaliland dad badan oo Garaad Cabdiqani, Caaqilki Axmed Xirsi. Iyo Aw Daahir ku jireen.”

Waxuu sheegay inay jiri karaan wax lagu kala duwan yahay, sida aragti, fikir, laakiin mowqifka xukuumadu waa in waxii lagu kala aragti duwan yahay laga wada hadlo

“Annigoo ka wakiil ah Madaxweynaha waxaan diyaar u nahay waxii tabasho ah, goob kasta iyo goor kasta lagaga wada hadlo.” Ayuu sheegay Md. Koore