Fal-Celiskii Cristiano Ronaldo Ee Go’aankii Uu Solskjaer Ku Badalay Kulankii Young Boys Oo La Ogaaday.

Ciyaartii ugu horreysay ee Cristiano Ronaldo ee Champions League oo uu u ciyaaro Manchester United tan iyo soo laabashadiisa ayaa si wanaagsan ku bilaabatay kulankii Young Boys, isagoo dhaliyay goolkii ugu horreeyay ee ciyaarta, laakiin waa la bedelay qeybtii dambe, taasoo aad uga xumaatay.

United ayaa maamulaysay ciyaarta kadib Cristiano Ronaldo ayaa u dhaliya goolka 1-aad daqiiqadii 12-aad laakiin kaadhkii casaanka ahaa ee uu qaatay Aaron Wan-Bissaka ayaa wax walba badalay.

Xilli ay ciyaartu 1/1 ahayd Ole Gunnar Solskjaer ayaa go’aansaday in uu ilaashado bar-baraha waxana uu badalay Ronaldo isaga oo ku badalay xiddiga Jesse Lingard.

Wajiga Ronaldo ayaa sheegay sheekada ciyaarta waxana iska cadayd in uuna ku faraxsanayn go’aanka lagu badalay loogana saaray ciyaarta.

Kadib markii uu baxay Solskjaer ayaa xiddiga u sharaxay sababta uu u badalay ugana saaray ciyaarta