Fal Celintii Romelu Lukaku Markii Ay Inter Iyo Chelsea Ka Heshiiyeen Saxiixiisa Oo La Ogaaday.

Xiddiga Romelu Lukaku ayaa lagu soo waramayaa in uu oohin is qaban kari waayay markii ay Inter Milan saxiixiisa kala heshiisay kooxda Chelsea Sida ay sheegayaan wararku.

Chelsea iyo Inter Milan ayaa ka heshiiyay saxiixa xiddiga Romelu Lukaku kaas oo qaab amaah ah ugu biiri doona kooxda ku ciyaarta San Siro.

Xiddiga rer Belguim oo ka tagay Inter Milan kuna biiray chelsea xagaagii hore ayaa ku dhibaatooday in uu qaab ciyaareed fiican soo bandhigo.

Sida laga soo xigtay Gazzetta dello Sport, Lukaku ayaa oohin is qaban waayay markii uu ogaaday in ay Inter iyo chelsea ka heshiiyeen saxiixiisa.

Lukaku ayaa chelsea kula jiray heshiis ilaa xagaaga 2026 ah laakiin waxa uu xilli ciyaareedka dambe amaah ugu ciyaari doonaa kooxda Inter Milan.

Romelu Lukaku ayaa hoos u dhigay mushaharkiisa isaga oo chelsea ka qaadan jiray lacag dhan 325 kun oo Gini todobaadkii halka uu Inter ka qaadan doono 210 kun oo Gini todobaadkii.