Faahfaahin: Qaraxyo dhimasho & dhaawac sababay oo ka dhacay Qudus (Sawirro)

Labo qarax ayaa ka dhacay boosteejooyin basaska laga raaco oo ku yaalla duleedka magaalada Quddus, waxaana ku dhintay wiil 16 jir ah, ugu yaraan 14 kalena way ku dhaawacmeen, wax u muuqday weerar ay geysteen mintidiin Falastiini ah, sida ay sheegeen maamulka Israa’iil.

Boolisku waxay ku sheegeen in qaraxa hore uu ahaa bam la soo diyaariyay oo la dhigay meel u dhow halka magaalada looga baxo. qaraxa labaad ayaa 30 daqiiqo ka dib ka dhacay Isgoys basaska laga raaco.

“Weerar la soo agaasimay oo sidan oo kale ah kama dhicin Jerusalem sannado badan,” ayuu afhayeenka booliiska Eli Levi u sheegay Raadiyaha ciidamada

Qalabkan ayaa lagu soo dhex qariyay boorsooyin, laga soo buuxiyay masaamiir waxayna u muuqdeen kuwo meel fog laga hagayey oo lagu qarxiyay taleefoonka gacanta, sida ay sheegtay Idaacada Kan.

Muuqaallada CCTV-ga ayaa muujinayay xilliga uu dhacay qaraxa koowaad iyadoo uuro lama filaan ah ay ka kacayso goobta baska laga raaco. Goobta oo ay go’doomiyeen kooxaha gurmadka deg degga ah, ayaa waxaa ka dhacay burbur xoogan.

Gaadiidka Ambalaasta ayaa sheegay in 12 qof oo dhaawac ah loo qaaday qaraxa koowaad halka 3 kalena ay ku dhaawacmeen. Wiil 16 jir ah oo u dhashay dalka Canada balse heysta dhalashada Israel ayaa u dhintay dhaawacii soo gaaray.

Qaramada Midoobay, Midowga Yurub, Mareykanka iyo Canada ayaa cambaareeyay weerarada. “Argagixisadu waa dhamaad aan waxba qaban,” Safaaradda Mareykanka ayaa ku tiri Twitter-ka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
[email protected]

– Advertisement –