Ergaygii Israel u joogay Maxkamadda Dambiyadda Caalamiga ee ICJ oo is casilay

Ergaygii maamulka arxanka daran ee Isreal u joogay maxkamadda caalamiga ah ee ICJ ayaa ku dhawaaqay in uu is casilay, waxa uuna go’aankiisa is-casilaada ah u gudbiyay guddoomiyaha maxkamadda ICJ iyo sidoo kale Ra’isul Wasaaraha Israel.

Sharon Barak oo 87-sanno jir ah ayaa Israel ku matalayay maxkamadda dambiyada caalamiga ah ee ICJ, waxa uuna ergaygan si shakhsi ah u go’aansaday in uu is casilo kana tago mataalada Israel ee maxkamadda ICJ.

Qoraal kooban uu soo saaray Sharon Barak ayuu ku sheeay in is-casilaadiisa ay tahay mid shakhi ah iyo arrimo qoys, mana bixin faah faahino intaas dheer uu ergayga uga tagay matalaadiisa Israel oo dambiyo dagaal ku eedeysan.

Sharon Barak waxa uu qeyb ka ahaa 15-kii garsoorayaasha maxkamadda ICJ ee dhegeystay kiiskii dowladda South Africa ee ku eedeeyey Israel falalka Xasuuqa ee ka dhacay magaalladda Gaza ee Reer Falastiin.

Ciidamada Israel ayaa xasuuq ka geestay magaalada Gaza n, waxa ayna ciidamada Yahuuda halkaasi ku laayeen dad shacab ah oo ka badan 35-kun oo qof muddo dhowr bil ah , kuwaa oo u badnaa carruur, haween iyo dad kale oo da’ ah oon dambi cidna ka gelin.

– Advertisement –






Previous articleWiil dhallinyaro ah oo isku diyaarinayay Imtixaanka Shahaadiga oo Muqdisho lagu dilay