Dowladda oo shaacisay howlgal lagu laayay Xubno badan oo katirsan Al Shabaab laguna burburiyay gaadiid Dagaal

War saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda warfaafinta Soomaaliya ayaa lagu shaaciyay in 49 xubnood oo ka tirsan tirsan Al-Shabaab lagu dilay tiro kalana lagu dhaawacay howlgal qorshaysan iyo duqaymo ciidanka gaarka ah ee Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka, Ciidanka Xoogga dalka iyo saaxiibada caalamiga ah ay ka fuliyeen deegaanka Buulo Madiino oo tirsan gobolka Shabeellaha Hoose.

Howlgalkan ayaa la sheegay in uu ahaa mid bartilmaameed ah una dhacay sidii loo qorsheeyay, waxaana lagu burburiyay dhammaan gaadiidkii dagaal iyo saanaddii hubka ay deegaankaan ku haysteen Al-Shabaab sida warka lagu sheegay .

Dowladda ayaa sheegtay in kooxda lagu laayay deegaanka Buulo Madiino ay isku diyaarinayeen dhagaro ay ku dhibaateeyaan shacabka Soomaaliyeed, laakiin balse ciidanka fashiliyeen oo dhabarka ka jabiyay Ciidanka Sirdoonka iyo Xoogga Dalka.

– Advertisement –






Previous articleBarnaamijka taageerada dadka Jilicsan oo la Daah-furay (Sawirro)