Donny van de Beek Oo Go’aan Ka Gaadhay Mustaqbalkiisa Man United.

Xiddiga khadka dhexe ee Manchester United Donny van de Beek ayaa lagu soo waramayaa inuusan xiiseyneynin inuu ka tago Old Trafford inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga xagaagan.

Xiddiga reer Netherlands ayaa u saftay Man United 36 kulan xilli ciyaareedkii hore laakiin waxa uu ku dhibaatooday in uu saamayn ku yeesho kooxda isaga oo kaliya dhaliyay hal gool.

Xiddiga 24 jirka ah ayaa lala xidhiidhinayaa in uu isaga tagayo kooxda ku ciyaarta Old Trafford isaga oo xiiso ka helaya kooxo badan oo reer yurub ah suuqa xagaagan.

Si kasta ha ahaatee, sida laga soo xigtay Manchester Evening News, Van de Beek ayaa iska diidi doona xiisaha uga imanaya kooxaha kale si uu ugu dagaallamo booskiisa Man United xilli ciyaareedka soo socda.

Wararka ayaa sheegaya in uu xiddigu dareensanyahay in uu taam yahay waliba u dagaalami karo booskiisa kooxda Man United xilli ciyaareedka dambe.

Sii Akhriso: Calaamadaha Aad Ku Ogaan Kartid In Aad Jeceshahay Qof Aan Ku Jeclayn