Dil saakay ka dhacay Muqdisho iyo ninkii ka dambeeyay oo la qabtay (Sawirro)

Ciidamada ammaanka deegaanka Gubadley ayaa gacanta ku dhigay Nuur Cabdullahi Axmed {Diimoow) oo ku eedeysan inuu saaka deegaankaas ku dilay Marxuum Kunciil Kadiye Guure oo ahaa qof shacab ah.

Sida aan wararka ku helnay ninkan hubeesan oo katirsanaa maleeshiyaadka ka howlgala deegaanka Gubadley ayaa qofka shacabka ah u dilay lacag baad ah uu doonayay in uu ka qaado uu ka biyo diiday,

Dilka ayaa ka dhacay suuqa Dayax ee deegaanka Gubadley, ciidamada ammaanka ayaana ku guuleestay in si deg deg ah gacanta ugu dhigaan ninkan gacan ku dhiiglaha ah oo isku dayay in uu baxsado.

Maamulka deegaanka Gubadley ayaa sheegay in ninka dilka geestay lagu wareejiyay booliiska oo baaritaano ku bilaabay, waxaana la filayaa in ninkan loo gudbiyo maxkamadda ciidamada qalabka sida .

Muqdisho waxaa ka howlgala ciidamo maleeshiyaad ah oo la shaqeeya maamulada qaar iyo ciidanka dowladda, kuwaa oo xirta dareeska ciidanka sidoo kale qaata qoryo, waxa ayna mararka qaar dilal iyo dhibaatooyin kalaba u geestaan dadka shacabka ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
[email protected]

– Advertisement –






Previous articleLabo tareen oo xooli ku socotay oo isku dhacay iyo dad ka badan 230 qof oo ku dhimatay