DEG-DEG: Liverpool Oo Soo Bandhigtay Saxiixeeda Cusub Ee Fabio Carvalho

Kooxda Liverpool ayaa si Rasmi ah u soo bandhigtay saxiixeeda cusub ee Fabio Carvalho kaas oo maanta si Rasmi ah u noqday xiddig Liverpool ah.

Liverpool ayaa Fabio Carvalho qaab xor ah ugala soo wareegtay kooxda Fulham waxana uu noqday saxiixyada Liverpool samaysay suuqa kala iibsiga xagaaga.

Xiddiga 19 jirka ah ayaa noqday saxiixa 3-aad ee ay samaysay kooxda Liverpool kadib saxiixyada Darwin Nunez & Calvin Ramsay.

Xiddiga Carvalho ayaa qalinka ku duugay heshiis wakhti fog ah oo uu ku joogi Kooxda Liverpool kadib markii uu ku soo biiray Reds.

Kooxda Liverpool ayaa xaqiijisay in uu Fabio Carvalho kooxda u xidhan doono No.28 halkii laga filayay in ay siiso Lambarkii uu ka tagay Mane ee No.10.