DEG-DEG: Bernardo Silva Oo Ogolaaday In Uu Ku Biiro Barcelona.

Xiddiga khadka dhexe ee kooxda Man City ee Bernardo Silva ayaa ogolaaday in uu ku biiro kooxda Barcelona suuqa xagaagan.

Laakiin kooxda Barcelona ayaa og in ay shaqo adag u baahantahay si ay u dhamaystirto saxiixa xiddiga khadka dhexe suuqa xagaaga.

Silva ayaa wakiilkiisa Jorge Mendes si cad ugu sheegay in uu doonayo ka ciyaarista Camp Nou xilli ciyaareedka dambe.

Xiddiga reer Portugal ayaa muhiim ka ahaa kooxda Man City waxana uu doonayaa in uu isaga tago kooxda City si uu isugu tijaabiyo horyaalka La Liga.

Qaybta fudud ee heshiiska ayaa ah in uu Silva ogolaaday ku biiray kooxda Barcelona suuqa kala iibsiga xagaaga.

Laakiin qaybta adag ayaa ah in ay Barcelona kooxda Man City kala heshiiso saxiixa xiddiga khadka dhexe marka la eego in ay 100 milyan ku qiimayso xiddiga.