Degaano ku yaalla xadka gobolada Shabeelada Dhexe iyo Hiiraan ayaa la soo sheegaya in duqaymo culus ay ka dhaceen.
Dayuurado aan duuliye laheyn ayaa duqaymo culus ka geystay degaanka Fiidow oo ku yaalla xadka labada gobol halkaasoo ay gacabta ku hayaan kooxda Al Shabaab khasaare ayaa la soo sheegayaa inuu halkaas ka dhacay
Ugu yaraan 10 xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab ayaa la sheegay in duqeynta ay ku geeriyoodeen sida laga soo xigtay Saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga dalka ee ku sugan gobolka shabeelada Dhexe halka tiro kale ay ku dhaawacmeen.
Duqeynta ayaa la sheegay in lala beegsaday goob ay isku sugnaayeen dagaalyahano iyo Saraakiil ka tirsan Al shabaab.
Dhinaca kale, degaanka Diinlaawe oo ka mid ah degaanada hoostaga degmada Mahdaay ee gobolka shabeelada Dhexe ayaa sheegaya uu ka dhacay weerar sababay khasaare dhimsho iyo dhaawacba leh.
Xubno ka tirsan Alshabaab ayaa la sheegay in ay weerareen Degaanka Diinlaawe balse Ciidamada degaanka ay iska difaaceen weerarkaas waxaana ka dhashay Dhimasho iyo dhaawac oo soo kala gaaray labada dhinac.