Ciidanka Puntland oo gacanta ku dhigay nin ajanabi ah oo katirsanaa kooxda Daacish +Sawir

Ciidanka booliska dowlad goboleedka Puntland ayaa hawl-gal ay fulliyeen ku guuleystay inay gacanta kusoo dhigaan, nin ajnabi ah oo katirsanaa kooxda Daacish ee ku sugan qeybo kamid ah deegaannada Puntland.

Hawl-galka oo oo booliiska ka fuliyeen agagaarka Degmadda Uffeyn  ee gobolka Bari ayaa lagu qabtay Axmed Xuseen Ibraahim oo ahaa xubin sare oo ka tirsan ISIS/Daacish, kaa  oo dhalasho ahaan ka soo jeeda dalka Suudaan.

Booliiska Puntland ayaa sheegay in qabashada sargaalkan ay ku soo aaday xilli kooxda argagixisada ee ISIS/Daacish kordhiyeen xubnaha Ajenibta ee kaga imanaya dalalka shisheeye si ay uga dhinac dagaalamaan.

Ciidamada maamulka Puntland horray waxa ay hawl-galo ku dileen kuna qabteen xubno ka tirsan Kooxda Daacish oo ajaaniib ahaa , kuwaa oo dhaalasho ahaan kasoo jeeday  dalalka Suuriya, Suudaan, Itoobiya, iyo Yemen .

Qabashada sargaalkan katirsanaa kooxda Daacish ayaa imaanaya, xilli dhawwaan ciidamada Puntland shaaciyeen in ay heleen meydka sargaal ajanabi ah oo katirsanaa kooxda Daacish ,kaa oo u dhintay gaajo iyo harraad.

May be an image of 1 person and text

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
[email protected]

– Advertisement –