Ciidanka Dab-damiska oo ku Guulaystay Daminta Dab Ka Kacay Suuqa Labaad ee ugu Weyn Hargeysa

Hargeysa (Dawan) Ciidanka la dagaalama dabka ee loo yaqaan ciidanka dab-demiska qaranka Somaliland, ayaa ku guulaystay inay demiyaan isla markaana xakameeyaan dab shalay gelinkii dambe ka kacay suuqa Gobanimo ee magaalada Hargeysa. Suuqa Gobanimo ayaa ah suuqa labaad ee ugu weyn suuqyada ku yaala magaalada hargeysa. Qoraal lasoo dhigay barta uu facebook ku leeyahay taliska ciidanka dab-demiska ayaa lagu yidhay sidan:

“Ciidanka Dab-demiska Caasimada Hargeysa ayaa maanta (shalay)  lagu soo wargeliyay Dab ka kacay Suuqa Gobanimo ee Magaalada Hargeysa, Ciidanka Dab-demiska ayaa sidii caadada u ahayd u baxay dabkaas markii lagu soo wargeliyay, waxaana dabkaasi ka bilaabmay mid ka mida meheradaha suuqa oo ahayd kuwa lagu iibiyo weelka.

Dabkan ayaa sida mulkiiluhu u sheegay ciidanka dabdemiska caasimada ay sabab u ahayd gubashadiisa mid ka mida meheradaha oo la laxaamadaynayay, waxaana meheradaasi ka koobnayd laba dabaq oo isa saaran.

Dabkan ayaa wuxuu halis galiyay Guud ahaan Suuqa Ganacsiga Gobanimo oo ay ku yaalaan boqolaal meheradood ayna taalo hanti farabadan, isla markaana ay ku ganacsadaan boqolaal qoys.

Ugu dambayn ciidanka dabdemiska qaranka ayaa ku guuleystay dabkaa una diiday inuu ku fido meheradihii kale, hadaba waxaa halkan ciidanku fariin guud u diraya dhamaan shacbiweynaha ku dhaqan jamhuuriyada Somaliland gaar ahaan shacbiga caasimada ee suuqa Gobanimo iyo suuqyada kale iyadoo aan ka warqabno aafadii dabkii suuqa waaheen iyo siday u saamaysay dalka, waxaanuu bulshada ku wacyigelinaynaa inay ka taxadaraan halista dabka, meherad kastana la soo dhigo haamaha yar yar ee lagu damiyo dabka si dabku intuu yaryahay looga hortago.

Maaha markii ugu horaysay ee ciidanka Dab-demiska caasimadu ka hawlgalaan suuqaas isla markaana ay ka sameeyaan samatabixin iyo badbaadin balse marar door ah ayaa ciidanka dabdemiska caasimadu ka hawlgaleen suuqa gobanimo.

Wabillahi Tawfiiq.

Muwaadin hadii aad la kulanto masiibo dab soo wac lambarka gurmadka degdega ah ee 990 Telesom iyo Somtel 24 ka saacadoodba.