Booliska Somalia oo shaaciyey in la qabtay ajaaniib ka tirsan kooxda Daacish

Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sadiiq Aadan Cali (Doodishe) oo Warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ciidanka dowlad gobaleedka Puntland ay gacanta ku soo dhigeen afar xubnood oo ka tirsan Daacish.

Xubnahan ayuu sheegay iney yihin ajaaniib u wada dhashay u wada dhashay dalka Marooko.

Afhayeenka ayaa sheegay Hawgal ay ciidanka ammaanka ee dowlad gobaleedka Puntland ka sameeyeen Buuraha Cali Miskaad November 18, 2023-ka ay gacanta ku soo dhigeen ajaaniib u dhalatay dalka Marooko

“Ciidamada Amaanka Puntland ayaa gacanta ku dhigay afar dhagar-qabe oo ka tirsan khawaarijta Daacish oo u dhashay wadanka Marooko,” ayuu yiri Afhayeenka Ciidanka Booliiska.

Sidoo kale Afhayeenka Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sadiiq Adan Cali (Doodishe) ayaa sheegay in Hay’adaha ammaanka ay wadaan baaris, isaga oo xusay in marka ay dhammaato baarista ay shacabka Soomaaliyeed la wadaagi doonaan.

– Advertisement –






Previous articleMuxuu Xamse Barre kala hadlay Max’uud Sayid Aadan & Madaxda Gedo (Sawirro)