Arteta Oo U Digay Klopp ” Hal Arin Maskaxda Haku Hayo Ka Hor Kulanka Axadda”.

Tababaraha Arsenal ee Arteta ayaa hoosta ka xariiqay in ahmiyad gaar ah ay u leedahay kulanka axadda ay la ciyaarayaan Liverpool ee wareegga 10-aad horyaalka

” Waa kulan dhahdhan gaar ah leh , waxaan ka hor tageynaa mid ka mid ah kooxaha horyaalka ugu adag , run ahaantii kulan sahal ah ma noqon doono”.

Waxa uu Arteta intaas sii raaciyay ” diyaar ayaan u nahay Liverpool , heer wacan ayaan ku jirnaa haatan , kulankaan isha ayaa lagu wada hayaa waxaa qasab ah in aan awooddeena soo bandhigno”.

Mar la weydiiyay heer ciyaareedka Lverpool ee xilli ciyaareedkaan waa u diiday in uu ku dheeraado waxa uuna ku jawaabay:” uma joogi halkaan aan xukmiyo balse 5-tii sano e la soo dhaafay waxa ay sameeyeen ayaa keeeysa in aysan u baahan wax qiimeyn ah”.

Dhanka kale waxa uu ammaan ugu qubeeyay daafaciisa Saliba ” xiddigaan wuu is dhisay , waa dagaal yahan deggan waliba isku kalsoon”.