Arsenal Oo Loo Sheegay Sababta Ay Tahay In Ay Uu Dhaqaaqdo Saxiixa Rashford Xagaaga

Arsenal ayaa loogu baaqay inay lasoo saxiixato weeraryahanka kooxda Manchester United Marcus Rashford suuqa xagaaga soo aadan.

Waxa Sidaas Gunners u sheegay xiddigoodii hore ee  Kevin Campbell Kaas oo sheegay in uu Rashford saxiix fiican u noqon karo Gunners.

24-sano jirkaan ayaa ka mid ah xiddigaha ugu muhiimsan kooxda Erik ten Hag ee United xilli ciyaareedkan isaga oo ka horeeya Cristiano Ronaldo.

Laakiin heshiiska Rashford ee Man United ayaa dhici doona dhamaadka xilli ciyaareedkan Campbell ayaa ugu baaqay kooxdiisii ​​hore inay dalab ka gudbiyaan xiddiga reer England.

Sida laga soo xigtay Football Insider, Campbell ayaa yidhi”Rashford waxa uu ku soo bandhigi lahaa qaab ciyaareed fiican Arsenal”.

“Weerarka Rogaal celiska ah waxa uu Rashford ku noqon karaa mid halis ah Arsenal, marka la eego orodkiisa Rashford waa xiddig halis ah waanan ognahay dhamaanteen”.

“Manchester United waxa ay ku dhibtoonaysaa qaab ciyaareedka, waxa aan hubaa in uu si fiican ugu ciyaari doono Arsenal sidaas darteed waa in ay u dhaqaaqdo xagaaga dambe”.