Arsenal Oo Isha Ku Haysa Weeraryahan Kale Xilli Loolan Ay Kala Kulmayaan Atletico Madrid

Arsenal ayaa xiiseyneysa weeraryahanka Club Brugge Ferran Jutgla, iyadoo Media Foot ee France ay ku warameyso in Gunners ay ka fiirsaneyso inay u dhaqaaqdo 23 jirkaan suuqa ina soo aadan.

Jutgla ayaa si cajiib ah ku bilowday xilli ciyaareedkan kadib markii uu kaga soo biiray Barcelona. Ciyaaryahanka reer Catalonia ayaa dhaliyay sideed gool tartamada oo dhan, waxaana uu ka qeyb qaatay shan caawin.

Waxay u muuqataa in waqtigiisa Club Brugge uu noqon karo mid kooban. Media Foot ayaa ku warameysa in sidoo kale Atletico Madrid ay aad u xiisaynayso wiilkaan, kaasoo gool ka dhaliyay isbuucaan.

Laakiin waxa uu sidoo kale xiiso ka helaya Arsenal, Xaqiiqdii, warbixintu waxay sheegtay in Gunners ay u muuqato inay ku si weyn ula dhacsan tahay Jutgla, Waxay isha ku hayaan horumarkiisa ka hor inta uusan u dhaqaaqin suuqa kala wareegga soo socda

Arsenal dabcan si cajiib ah ayay ku bilaabatay xilli ciyaareedkan. Horumarkoodana runtii waxaa dhiirigeliyay imaatinka Jibriil Ciise.