Midowga Afrika ayaa diiwaangeliyay musharraxiinta u tartamaya jagada guddoomiyaha ururka Midowga Afrika , doorashada dhacaysa bisha February ee sannadka soo socda.
Afar musharrax ayaa la diiwaangeliyay, kuwaaso noqonaya musharrixiinta rasmi ah ee u tartamaya jagadan, kuma jirin Fowsiya Yuusuf Aadam , wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya oo ka mid ahayd musharrixiintii u horreyay ee sheegay inay jagadan u tartamayaan , iyadoo ay si rasmi ah dawladda Soomaaliya u gudbisay, balse mar dambe ayay shir jaraa’iid ku sheegtay inay hoggaanka sare ee dawladda usoo jeediyeen inay isaga harto tartanka, si ay booska ugu banneeyso musharraxa ka socda Jabuuti.
Tan waxay ka dhigantahay muddo nus qarni ah inay Soomaaliya sugi doonto si mar kale gobolka bariga Afrika uu u noqdo , halka uu ka imaanaya guddoomiyaha Midowga Afrika.
Musharrixiinta hadda rasmi ah ee jagadan u tartamaysa ayaa kala ah; Raila Odinga oo u dhashay dalka Kenya, wasiirka arrimaha dibadda Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf, musharax ka soo jeeda Mauritius iyo musharax ka socda Madagascar.