20-ka Xiddig ee Dunida kaga Yaabiyay Goolasha ay ku Dhaliyeen 75 Ciyaarood Guddahood

Erling Haaland ayaa sii wata gool-dhalintiisa layaabka leh isaga oo Axaddii saddexlay ka dhaliyey ciyaartii Manchester City, waxaana uu mar horeba meel saaray rikoodhadii horyaalka Premier League ee dhinaca goolasha ugu badan ee siddeedda ciyaarood ee ugu horreeya laga dhaliyo iyo sidoo kale saddexleeyadii ugu degdegga badnaa.

Weeraryahanka reer Norway ayaa hoggaaminaya gool-dhalinta shanta horyaal ee waaweyn ee Yurub ee xilli ciyareedkan 2022/23, waxaanu kaliya sagaal gool u jiraa tirada goolashii ay xilli ciyaareedkii hore kabta dahabka ah ku qaadeen Heun-min Son iyo Mohamed Salah, waxaana uu halkan ku gaadhay siddeed ciyaarood oo kaliya, taas oo ka dhigan in 30ka kulan ee Premier League ee hadhay aan la qiyaasi karayn rikoodhada uu jabin doono iyo inta gool ee uu kabta  dahabka ah ku qaadi doono.

22 jirkan ayaa 75 ciyaarood oo horyaallada Yurub ah oo uu dheeliyey 76 gool, waana ciyaartoyga ugu goolasha badan marka laga eego tirada kulamada uu saftay, waxaanu dhaafay halyeygii reer Brazil ee Ronaldo Nazario iyo sidoo kale Ramadel Falcao oo rikoodhkaas haystay.

Halkan kaaga bogo 20-ka ciyaartoy ee goolasha ugu badan dhaliyey markii ay min 75 ciyaarood oo horyaallada ah safteen

=18. Diego – 34 gool

=18. Alvaro Negredo – 34 gool

=18. Fernando Torres – 34 gool

  1. Alexandre Pato – 36 gool
  2. Luis Suarez – 37 gool
  3. Djibril Cisse – 38 gool

=12. Didier Drogba – 39 gool

=12. Michael Owen – 39 gool

=12. Kylian Mbappe – 39 gool

=9. Julio Baptista – 40 gool

=9. Harry Kane – 40 gool

=9. David Trezeguet – 40 gool

  1. Edin Dzeko – 41 gool
  2. Neymar – 43 gool
  3. Adriano – 46 gool
  4. Andriy Shevchenko – 54 gool
  5. Ruud van Nistelrooy – 56 gool
  6. Radamel Falcao – 59 gool
  7. Ronaldo Nazario – 63 gool
  8. Erling Haaland – 76 gool